Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta dalxiiska aduunka oo Muqdisho laga xusay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Munaasabadaan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, laguna qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka cadaaladda, Ku-simaha Wasiirka beeraha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaarada, agaasime waaxeeydada Wasaaradda Warfaafinta, mas’uuliyiin ka socootay hotelada Muqdisho iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf bahlaawi ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay dalxiiska dhanka bulshada iyo Wasaarada.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in Wasaaradda ay waddo qorshe dib loogu soo celinayo xarumihii dalxiiska
Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dib u dhiska ee xukuumada Soomaaliya Eng, Saalax ayaa sheegay in soomaaliya uu Allle ku maneystay kheyraad kala duwan, loona baahanyahay in laga wada faa’iideysto.
Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilk-jiir oo xafladda soo xiray ayaa sheegay in xuska maalinta caalamiga ah ee dalxiisa ay tahay maalin ku weyn bulshada caalamka, isla markaana ay Xukuumada sameyn doonto maalin u gaar ah Soomaaliya.
Beri-samaadkii Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka ugu dalxiiska badan, taasi o ay ka soo geli jirtay daqli aad u fara badan, waxaana haatan Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ay wadaa qorshe ku aadan sidii arrimahaasi dib loo soo celin lahaa.

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u furay saraakiil booliis “SAWIRRO”

Next Post

Jaamacadda Ummadda oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Jaamacadda Ummadda oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In