Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta dalxiiska aduunka oo Muqdisho laga xusay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Munaasabadaan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, laguna qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka cadaaladda, Ku-simaha Wasiirka beeraha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaarada, agaasime waaxeeydada Wasaaradda Warfaafinta, mas’uuliyiin ka socootay hotelada Muqdisho iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf bahlaawi ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay dalxiiska dhanka bulshada iyo Wasaarada.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in Wasaaradda ay waddo qorshe dib loogu soo celinayo xarumihii dalxiiska
Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dib u dhiska ee xukuumada Soomaaliya Eng, Saalax ayaa sheegay in soomaaliya uu Allle ku maneystay kheyraad kala duwan, loona baahanyahay in laga wada faa’iideysto.
Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilk-jiir oo xafladda soo xiray ayaa sheegay in xuska maalinta caalamiga ah ee dalxiisa ay tahay maalin ku weyn bulshada caalamka, isla markaana ay Xukuumada sameyn doonto maalin u gaar ah Soomaaliya.
Beri-samaadkii Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka ugu dalxiiska badan, taasi o ay ka soo geli jirtay daqli aad u fara badan, waxaana haatan Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ay wadaa qorshe ku aadan sidii arrimahaasi dib loo soo celin lahaa.

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u furay saraakiil booliis “SAWIRRO”

Next Post

Jaamacadda Ummadda oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Jaamacadda Ummadda oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In