Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Haweenka Aduunka oo laga Xusay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maalinta Haweenka Aduunka oo laga Xusay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu qabtay Xarunta looga arimiyo gobolka Ohio oo ku taal magaalada Columbus.

Waxaa soo abaabushay Khadro Mohamed Shire oo ah aqoonyahanad u dhaq dhaqaaqda arimaha haweenka isla markaana madax ka ah Ururo kala duwan.
Waxa ka soo qeybgalay haween aad u badan oo ka kala socday qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Columbus iyo Madaxdax badan oo ka kala yimid Heer gobol iyo heer degmo halka dhankooda ay ka qeyb qaadanayeen Ganacasato badan oo Soomaali ah.
Dadkii ka hadaly waxa ka mid ahayd Usra Abraar oo madax ka ahaan jirtay Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyada oo  xustay kaalinta iyo doorka haweenka Soomaaliyeed ka qaateen bad baadinta Bulshada iyo qoyska Soomaaliyeed mudadii ay colaaduhu jireen, iyo in iminka ay kaalin muuqata ka ciyaarayaan sibadalka Dalka, iyaga oo wali dhabarka u ridanaya Horumarinta iyo Bar baarinta Qoys Caafimaad qaba, Waxay Yusra soo hadal qaaday isbadalka dalku uu galay iyada oo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowlada iyo in shacabka loogu adeego si ka madax banaan waxa ay ugu yeertay Musuq maasuq iyo wax is daba marin.
Haweenkii ka hadlay Xafladan oo u badnaa Ajanabi waxa ay ka sinaayeen sidii loo horumarin lahaa Garaadka iyo aqoonta haweenka, Taas oo keeni karta Bulsho dhan walba ka dheeli tiran iyaga oo dhanka kale muujiyay in dhibaatooyinka Caalamka ka jira ay haweenku ka madax banaanyihiin.
Masuuliyiintii ka socday Dowlada gobolka Ohio ee halkaa ka hadlay waxa ay dhankooda Hambalyo u direen guud ahaan Haweenka Aduunka iyaga oo uga hambalyeeyay maalintan kuna booriyay in ay sii laba jibaaraan kaalintooda muuqata ee ay caalamka ku leeyihiin iyo in la gacan qabto haweenka ku sugan dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan.
Waa Sanadkii 8aad ee xafladan ay qabnayso Farxiya Moxamed Shire oo Madax ka ah ururka   CEO ( Center for Somali Women’s_Advancement Organizatin ) iyo ururka kale ee ay ku mideeysanyihiin Jaaliyadaha wadamo African ah oo ka badan 54 dal (FAOO)
Waxay fursad weyn u ahayd xafladani Haweenka kala duwan oo mudadii ay xafladu socotay samaynayay is dhexgal iyo afkaaro is weydaarsi.
  
Deeqo Shire (SONNA)
Previous Post

Horjooge ka Tirsanaa Al-shabaab oo koxdiisii ugu Baaqay in ay Dowladda isu soo dhiibaan.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In