Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Haweenka Aduunka oo laga Xusay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maalinta Haweenka Aduunka oo laga Xusay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu qabtay Xarunta looga arimiyo gobolka Ohio oo ku taal magaalada Columbus.

Waxaa soo abaabushay Khadro Mohamed Shire oo ah aqoonyahanad u dhaq dhaqaaqda arimaha haweenka isla markaana madax ka ah Ururo kala duwan.
Waxa ka soo qeybgalay haween aad u badan oo ka kala socday qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Columbus iyo Madaxdax badan oo ka kala yimid Heer gobol iyo heer degmo halka dhankooda ay ka qeyb qaadanayeen Ganacasato badan oo Soomaali ah.
Dadkii ka hadaly waxa ka mid ahayd Usra Abraar oo madax ka ahaan jirtay Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyada oo  xustay kaalinta iyo doorka haweenka Soomaaliyeed ka qaateen bad baadinta Bulshada iyo qoyska Soomaaliyeed mudadii ay colaaduhu jireen, iyo in iminka ay kaalin muuqata ka ciyaarayaan sibadalka Dalka, iyaga oo wali dhabarka u ridanaya Horumarinta iyo Bar baarinta Qoys Caafimaad qaba, Waxay Yusra soo hadal qaaday isbadalka dalku uu galay iyada oo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowlada iyo in shacabka loogu adeego si ka madax banaan waxa ay ugu yeertay Musuq maasuq iyo wax is daba marin.
Haweenkii ka hadlay Xafladan oo u badnaa Ajanabi waxa ay ka sinaayeen sidii loo horumarin lahaa Garaadka iyo aqoonta haweenka, Taas oo keeni karta Bulsho dhan walba ka dheeli tiran iyaga oo dhanka kale muujiyay in dhibaatooyinka Caalamka ka jira ay haweenku ka madax banaanyihiin.
Masuuliyiintii ka socday Dowlada gobolka Ohio ee halkaa ka hadlay waxa ay dhankooda Hambalyo u direen guud ahaan Haweenka Aduunka iyaga oo uga hambalyeeyay maalintan kuna booriyay in ay sii laba jibaaraan kaalintooda muuqata ee ay caalamka ku leeyihiin iyo in la gacan qabto haweenka ku sugan dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan.
Waa Sanadkii 8aad ee xafladan ay qabnayso Farxiya Moxamed Shire oo Madax ka ah ururka   CEO ( Center for Somali Women’s_Advancement Organizatin ) iyo ururka kale ee ay ku mideeysanyihiin Jaaliyadaha wadamo African ah oo ka badan 54 dal (FAOO)
Waxay fursad weyn u ahayd xafladani Haweenka kala duwan oo mudadii ay xafladu socotay samaynayay is dhexgal iyo afkaaro is weydaarsi.
  
Deeqo Shire (SONNA)
Previous Post

Horjooge ka Tirsanaa Al-shabaab oo koxdiisii ugu Baaqay in ay Dowladda isu soo dhiibaan.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In