Waxa magaalada muqdisho lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee u adeegsiga isboortig horumarka,nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.
Munaasabadan oo ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, guddiga Olombikada, madaxda xiriirada, ururada,masuuliyiin ka socotay hey’adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan ciyaartoyda qeybaha kale gedisan ee xiriirada dalka, ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadi, iskuulada, kooxaha hidaha dhaqanka iyo Banda Muusika.
Ciyaartoyda oo garoonka soo buux dhaafiyay ayaa garoonka ku soo maray socod ayagoo xiran labiska ay astaanta u leedahay koox waliba waxaana muusik soo jiitay dadweynihii garoonka ku sugnaa garaacay kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed Banda Musika.
Ugu horeyn waxaa khudbahada daah furay guddoomiyaha Ururka Ciyaartoyda Soomaliyeed, Xasan Axmed Barre, waxuuna yiri “farxad ballaaran ayay u tahay in bahda isboortiga ay ku kulmaan munaasabda 6-da April oo laba munaasabad oo qaali ah kulmisa islamarkana ay wax weyn iska bedeleen sanadkii hore, si qaranka Soomaaliya qeybahiisa kal gedisan loo horumariyo,”.
Xogahayaha Guud ee guddiga Olombika Soomaaliyeed, Duran Axmed Faarax, oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu faahfaahin dheer ka bixiyay qaabka ay munaasadan iyo kuwii ka horeeyay ku bilowdeen waxaa uuna tilmaamay in la ansaxiyay sanadkii 2013 guddiga olombikada uu sanadkii seddexad oo xiriir ah qabanayo.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar, oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah leedahay in ciyaartoyda Soomaaliyeed isu soo bax balaaran oo sanadle ah yeeshaan.
Ugu dambeyn waxaa xaflada soo xeray Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxaa uuna sheegay in xafladan si wanaagsan loo soo agaasimay wasaaraduna ay qaadan doonto doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga gaar ahaan helida garoomo lagu ciyaaro oo muhiim u ah kooxaha dalka oo ay dhibaato ka hayso dhanka garoomada.