Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu xusay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska munaasabadda sannadguurada 44-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed, oo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, ururrada Saxaafadeed iyo suxufiyiin Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf, iyo Xog-hayaga uruurka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Macalimmuu ayaa mid mid uga kala hadlay in laga taliyo sidii warfaafinta dhinaca saxan loogu shaqeyn lahaa iyo marxaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay ka dhaxayso wasaaradaha dowlad gobolleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay sidii loo horumarinta lahaa xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Heshiis saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Jaamacadda Ummadda iyo ururka NUSOJ ayaa lagu kala saxiixdey munsaabadda, kaas oo ku aaddan sare u qaadidda tayarada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Benaadir ahna Duqa  Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa boggaadiyey heshiiskaan Suxufiyiinta horumarkooda lagu kobcinayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hambalyo Suxufiyiinta iyo bahda Warfaafinta, sheegayna in ay muhiim tahay sidii looga faa’ideysan lahaa awoodda warbaahinta maanta.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka W/faafinta XFS oo xarigga ka jaray Warggeyska Dalka dib u howlgelin lagu sameeyey

Next Post

Munaasabad lagu Xusayay 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho(Sawirro)

Next Post
Munaasabad lagu Xusayay 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho(Sawirro)

Munaasabad lagu Xusayay 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho(Sawirro)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In