Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu Xusayay 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho(Sawirro)

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu Xusayay 45sano guuradii ka soo wareegtay hirgelinta qorista farta Soomaaliga ayaa lagu qabtay Muqdisho(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, laguna qabtay xarunta Akadeemiyada ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirudowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqada iyo shaqaalaha, Aqoonyahanno, martisharaf kale oo lagu casuumay xafladda iyo kooxda fanaaniinta Iftin oo halkaasi ku soo bandhigay heeso ka tarjumaya isticmaalka Farta Soomaaliga..

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliya C/qaadir Nuur Xuseen oo furitaanki munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda qorista farta Soomaaliga, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo dadaalladii lagu bixiyay arrintaasi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Akadeemiyada ayaa ka hadlay qiimaha qoraalka Farta Soomaaliga isagoo ku boorriyay bulshada in ay u soo jeestaan soo nooleynta qiimaha afka Soomaaliga.

Wasiirudowlada wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare C/raxmaan Maxamed Cabdulle oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ahmiyad gaar siineyso sidii xafiisyada dowladda iyo dugsiyada waxbarashada looga hirgelin lahaa farta Soomaaliga iyadoo wasaaraddu fulineyso baaqii R/wasaare Kheyrre ee ku wajahnaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Sidoo kale  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir aya ka hadlay dhibaatooyinka Soo wajahay afka Soomaaliga, iyo baahida loo qabo in la soo nololeeyo afka Soomaaliga.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku dadaali doonto sidii dugsiyada dalka iyo xafiisyada dowladda looga hirgelin lahaa isticmaalka farta Soomaaliga.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Akadeemiyadu ugu jirto soo nooleeynta Afka Soomaaliga, waana sanadguuradii 45 ee ka soo wareegtay marki la hirgeliyay qorista farta Soomaaliga uuna soo baxay wargeyski ugu horeeyay ee ku qoran farta Soomaaliga taasoo ku asteysneyd sanadkii  1973-dii

Previous Post

Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu xusay

Next Post

Guddiga Qaran ee Doorashooyinka oo Kulamo Garowe kula yeeshay Dhalinyarada iyo Haweenka+Sawirro

Next Post
Guddiga Qaran ee Doorashooyinka oo Kulamo Garowe kula yeeshay Dhalinyarada iyo Haweenka+Sawirro

Guddiga Qaran ee Doorashooyinka oo Kulamo Garowe kula yeeshay Dhalinyarada iyo Haweenka+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In