Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamul cusub oo loo magacaabay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 29, 2015
in Wararka
0
Maamul cusub oo loo magacaabay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka degmada Waajid Caddow C/raxmaan Jugle ayaa Radio Muqdisho u sheegay sheegay in maamul loo sameeyay tuulada Buurdhuxunle oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool isla markaana ka mid ah deegaanadii dhowaan laga saaray maleeshiyaadka al-shabab.

Caddow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddoomiyaha Buurdhuxunle loo magacaabay Aadan Huudow Axmed, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Cabdi Yuusuf Cumar, iyadoo taliyaha saldhiga Boliiska deegaankaasina loo magcaabay Mukhtaar Cali Maxamed, waxaana uu xusay in xubnaha kale ee maamulka dhowaan ay soo dhameystiri doonaan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalada ka socday deegaanada hoos yimaada degmada Waajid oo u jeedkoodu ahaa in al-shabab laga sifeeyo goobahaasi, isagoo tilmaamay in tuulooyin badan oo ay kamid yihiin Goobato, Buur-Cadde, iyo kuwo kale oo dhamaan ka tirsan gobolka Bakool.

Caddow C/raxmaan guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa dadka goobaha howlgalada ay ka socdaan ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana kuwii ka kaxay ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, isagoo balan qaaday in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin dadka shacabka ah.

Buurdhuxunle oo 30 KM u jirta degmada W aajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid aheyd deegaanada in mudo ah ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Previous Post

R/wasaaraha oo khudbad ka jeediyay Shirka New Deal ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Next Post

Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Next Post
Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In