Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyadda Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdulaahi Maadeey ayaa sheegey in buundooyinka qaar ee magaalada Baladweyne ay saameyn ku yeesheen fatahaaddi uu sameeyey wabiga Shabeelle.
Abuukar Maadeey oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya qeybaha kala duwan ee shacabka ay ku guuleysteen in ay dib u dayactir ku sameeyaan buundoonka qaar ee muhiimka ah, haddana isku socodka dadka iyo gaadiidka uu dib u furmey, isagoo u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geysatey.
“Waxan wadnaa hadda muddo isbuuc ku dhow dadaalo aan magaalada biyaha uga saareyno dadka qaar ayaa magaalada dib ugu soo laabnaya, laakiin dadka intooda badan waxa ay weli ku suganyihiin deegaanka Ceeljaale”. Ayuu yiri guddoomiye Abuukar Maadeey.
Dhan kale, Guddoomiye Abuukar ayaa sheegay inay dhawaan kormeeer ku sameeyeen Maamulka Gobalka iyo wafdi Wasiiro ah waddo 5-KM ah oo dhawaan lagu wado in laami la saaro, taa oo hadda wajigeeda koowad soo idlaatay.
Guddoomiye Maadeey ayaa ugu dambeyn sheeaga in reer Hiiraan sanadkan ay isku tashteen xagga fataahaadda Shacabka reer Beledweyne ayuu aad ugu ammaanay doorkooda garab istaagga Maamulka.