Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya oo Caawa soo saaray War….

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabadda furitaanka Kalfadhiga
Golaha Shacabka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo
asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

Related posts

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo
qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka Decembher ayaa waxaa kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo amrkaasina la go’aamin doono
xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.

Previous Post

Gudiga xalinta khilaafaadka oo soo saaray warsaxaafadeed cusub

Next Post

Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

Next Post
Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In