Guddoomiyaha Gobalka Bay ayaa sheegay in dhawaan uu bilaabanayo Mashruuca dhismaha waddooyinka Magaalada Baydhabo kadib kulan uu maanta la qaatay Masโuuliyiinta Xaafadaha magaladaasi.
Kulanaka oo muddo Saacado ah Qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Xubno Matalayay Hayadda DDG oo ka shaqeysa Hormarinta Mashaariicda la xiriira Adeegyada Bulshada, iyadoo guddomiyaha gobalku uu warbixin ka dhageystay guddoomiyaha Xaafadaha Magaalada, iyagoo u mahadceliyay Hayโadda DDG oo howlo mashaariic isugu Jira dhismaha Waddooyinka iskuulada,iyo Cisbitaalada ka waddo magaalada Baydhaba.
Aadan Saciid oo ka mid ah masโuuliyiintaย Hayโadda DDGย ayaa faafahiyey marxaladihii kaladuwanaa ay soomareen intii ay ku guda jireen mashruuciyada lagu dhisaayey Xaafadaha magaalada Baydhabo, Sida goobaha caafimaadka iyo Waxbarashada.
โAad ayaan uguguulaysanay mashaaricdii aan ka fulinay magaalada Baydhabo ee iskugu jiray iskuulada iyo waliba Cisbitaaladaย waxaana si aad ah noolashaqeeyey gudiyaasha xaafadaha Magaalada Baydhaboโ ayuu yiri Aadan Siciid.
Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo midka degmada ayaa uga mahadceliyey Hay ada DDG iyo Gudiyaasha xaafadaha sida wanaagsan ee ay u wadashaqeyn iyagoo Xusay in dhawaan uu bilaabmidoono dhismaha wadooyinka xaafadaha magaalada Baydhabo.
Waxaa mardhaw bilaabmidoona mashruucย waddooyin looga dhisidoono xaafadaha magaalada Baydhabo . waxaa laga rabaa gudigaย Xaafadaha Magaalada Baydhabo In ay kaalintooda qaadaanย waana ku faraxasanahay wadashaqeenta wanaagsan ay laleeyihiin DDG.