Maamulka cusub ee madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaaqay in ay billaabi doonaan in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo qaxooti ah, waasi oo hadda ku xayiran dalalka la deriska ah sida dalka Mexico.
Warbixin ka soo baxday maamulka Mareykanka ayaa lagu sheegay in laga billaabo Toddobaadka soo socda uu gudaha dalkaasi ka bilaaban doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ah ay diyaar tahay.
Dadka ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.
Tallaabadan ayaa u muuqato lagu doonayo in lagu meesha looga saaro siyaasadahii guracnaa ee sida weyn loogu dhaliili jiray madaxweynihii dhawaan xilka baneeyay ee dalkaasi Mareykanka Donald Trump.