Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Beladweyne oo ka hadlay fatahaadda Webiga Shabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Beladweyne oo ka hadlay fatahaadda Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.

Mudane Calasoow oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan oo horey looga moosay biyaha.

Related posts

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeelo soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo labo Neef Geel ah ku wareejiyay Wasiiru-dowlaha Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Somali Foreign Minister discusses with the Ambassador of Indonesia ways to enhance bilateral cooperation

Next Post
Somali Foreign Minister discusses with the Ambassador of Indonesia ways to enhance bilateral cooperation

Somali Foreign Minister discusses with the Ambassador of Indonesia ways to enhance bilateral cooperation

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In