Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka dib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaaladda Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeybta tababarka ciidamada talyaaniga ee Soomaaliya waxa ay booyad nooca biyaha ah oo loogu talo galay shacabka degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ay ku wareejiyeen maamulka degmadaasi.

Bernardo mencaraglia oo ah madaxa qeybta Talyaaniga ee saraakiisha ururka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in booyadan ay ugu talo galeen in loogu adeego shacabka ku nool degmada Buur hakaba ee gobolka Baay.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Saaka waxaan wareejinay booyadan nooca biyaha lagu qaada ah oo aan ku wareejinay degmada Buur hakaba taa oo daba socota codsigii uu dhawaan uu noo soo jeediyay Mudane Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxasnahay in saaka goob joog ahaado  xafladan kooban aan ku wareejinayno booyadan oo aan ugu talo galnay shacabka ku nool degmada Buur-hakaba”. Ayuu yiri sarkaalkan.

Xildhibaan Siidow Cali Abaadir oo ah Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay deeqdan booyada ah ee maanta lagu wareejiyay isagoo dhinaca kalana sheegay in baahida shacabka degmad Buur-hakaba aysan kaafin karin hal booyad oo kaliya loona baahanyahay kuwo kale oo dheeraad ah.

“Waa degmada ugu tuulooyinka badan waaye waana 398 tuulo booyad hal iyo laba waxba maka taraayaan degmada baahiyaha biyo ee ka jira laakiin waa hadiyad waana uga mahad celineynaa dowladda Talyaaniga ,waa bilow wax badanna waan sugeynaa waana ku faraxsanahay welina wax badan ayaa dhiman’’. Ayuu yiri xildhibaanku.

degmada Buur hakaba iyo deegaanada kale oo hoos yimaada ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka soo yeereysay qaylo dhaan key aadan biyo la’aan ka jirta halkaas.

 

Previous Post

Maalinta dhiig shubista oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

Next Post

Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

Next Post
Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In