Friday, November 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Heliwaa oo sheegay in suuqyada degmadaasi laga bilaabo doono qaadista cashuuraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaada deegaanka Xamar ayaa maanta howlo kormeer ah ku soo kala bixiyay suuqyada Waxar Cadde, Suuqa Heliwaa iyo Darmooleey, halkaasi oo dhawaan la geeyay ciidamada amniga.

Ujeedka kormeerka ayaa ah sidii mas’uuliyiintaan ay ugu kuurgeli lahaayeen howlaha ganacsi ee ka jira suuqyadaasi, isla markaana ganacsatada loo gaarsiin lahaa fariin ah in suuqyadaasi ay goor dhaw ka bilaaban doonaan cashuuraha dowladda Hoose ee Xamar.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 14 November,2025

November 14, 2025
Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

November 14, 2025

Suuqyada Waxar Cadde, Heliwaa iyo darmooleey oo ka wada tirsan degmada Heliwaa ayaa waxaa xilligan ka socda horumaro xagga ganacsiga ah, iyadoo hay’adaha ammaanka ay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan Nabadgelyada suuqyadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay xoogga saarayaan sidii dib loo soo celin lahaa adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool degmada Heliwaa, isla markaana ganacsatada suuqyada degmadaasi loo fahamsiin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta cashuuraha.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada demada ku nool inay ka qeyb qaataan dib u dhiska waddad Ex-koontarool Balcad oo ka muuqda bur bur xoogan oo saameeyay gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi isticmaala.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Suxufiyiin codsaday in cadaaladda la horgeeyo horjooge Xasan Xanafi

Next Post

Suxufiyiin codsaday in cadaaladda la horgeeyo horjooge Xasan Xanafi

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 14th November, 2025

November 14, 2025
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 14th November, 2025   1- President Hassan Sheikh Mohamud held a cordial...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 14 November,2025

November 14, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 14 November,2025 1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

November 14, 2025
0

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo  Puntland iyo xubno kale oo ka socday ururada bulshada ayaa ka qeybgalay...

Soomaaliya iyo Congo oo ka wadahadlay qodobbo ku saabsan xiriirka 2-da dal

Soomaaliya iyo Congo oo ka wadahadlay qodobbo ku saabsan xiriirka 2-da dal

November 14, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa magaalada Kinshasa ee caasimadda Dalka Congo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In