Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Mahadaay oo codsaday in kaalmo lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka SH/Dhexe oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka uu fahataadda webiga saameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Mahaday ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara tuulooyimka Hoosyimaada Degmadaas oo kal hore ku soo butaacay xaafado ka mid ah magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay Mudane Saalax Fuleel Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in xaalado nafaqi darro ah ay ka jirto magaalada, isagoo intaa ku daray in weli xaafado ka mid ah magaalada ay biyo fadhiisad noqdeen.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa hay’adaha samafalka, Madaxda Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ka codsaday inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Mahadaay iyo deegaannada kale ee hoostaga.

 

Previous Post

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Baarlamaanka warbixin u gudbin doona

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay

Next Post
Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo la xiriira qabasha shir weynaha ka wada Gobolka Galgaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In