Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo la xiriira qabasha shir weynaha ka wada Gobolka Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.

“In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii ku guuleysatay inay heshiis la gasho culimada Ahlusunna Waljamaaca, kaasi oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowladda, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka intuba.

 

 

Previous Post

Maamulka Degmada Mahadaay oo codsaday in kaalmo lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle

Next Post

Wasaaradda Gaadiidka oo dhawaan soo celin doonto xeerkii Waddo marista gaadiidka

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo isbadal ku sameeyay qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha wasaaraddaasi

Wasaaradda Gaadiidka oo dhawaan soo celin doonto xeerkii Waddo marista gaadiidka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In