Maamulka Sare ee dugsiga farsamada gacanta ee Xeyle Bariise ayaa boqolaal arday oo ka mid ah kuwa maanta uu usoo gaba gaboobay imtixaanka dowladda ee dugsiyada Sare ee dalka, gaar ahaan gobolka Banaadir ku soo dhaweeyay xarunta si ay uga faa’iideystaan fursadaha Waxbarasho ee farsamooyinka kala duwan.
Ardayda ayaa lagu soo wareejiyay qeybaha ay ka koobantahay sida qeyb-ta Koronta, Alxanka makaanikada, dhismaha, soolarka ku shaqeeya cadceedda iyo dhamaan qeybaha ay ka koobantahay farsamada gacanta.
Enj. Cabdiraxmaan Aweys Cali (Bin Coof) oo u sharxay waxyaabaha ay qabtaan dhamaan qeybaha iyo sida loogu shaqeeyo ayaa ka hadlay ahmiyadda farsamada gacanta iyo furasadaha shaqo ay leeyihiin.
Maamulka guud ee Iskuulka Niileyn Cabdisalaan Muuse Shaaciye ayaa uga mahadceliyay maamulka sare ee Dugsiga fursadaha uu siiyay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa daneynaya barashada farsamada gacanta.
Ardaydaan ayaa laga qaadi doonaan imtixaanka, waxaana kuwa gala kaalmaha hore ay heli doonaan fursado waxbarasho oo lacag la’aan ah.
Maamulaha Guud ee dugsiga farsamada gacanta ee Xeyle Bariise Cabdirixiin Xeyle Bariise ayaa balan qaaday in 20-ka mid ah gabdhaha si gaar ah loo siin doono Waxbarashada si bilaash ah.