Dowlad goboleedka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay gobalka Galgaduud.
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa baaq ka soo saaray dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaano ku dhow dhow degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Maxamed Xaashi Cabdi oo ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Qaaโib
Waxaa uu sheegay inay u dirayaan ergo nabadeed, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee ku dagaalamay deegaankaas
โMaamulka Galmudug waxaa uu ka xun yahay in la daadiyo Dhiiga Dadka Muslimiinta ah hadana Soomaalida ah ee wada dhashayโayuu yiri Carabeey.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay u istaagaan sidii loo baajin lahaa dagaalka.
Deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku soo noq-noqonayay dagaal beeleedyada salka ku hayay muranada dhul daaqsimeedka iyo ceelasha, waxaana ku geeriyooday dad fara badan.