Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah ka mid ah maamulka oo uu hogaaminayay misana maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa degmadaasi u sameeyay maamul cusub oo degmadaasi ay yeelan doonto.
Liiska xubnaha maamulka cusub oo Saxaafadda loo akhriyay ayaa waxa uu qornaa sida tan
- Mahad Cumar Cilmi guddoomiyaha degmada Caabudwaaq
- Muxudiin Cabdi Geelle, ku xigeenka guddoomiyaha degmada
- Cabdikaafi Sheekh Cali, xoghayaha dowladaha hoose
- Cabdulle Cartan Aadan, madaxa waaxda amniga iyo siyaasadda
- Yuusuf Maxamed Axmed, Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee degmada
- Axmed C/qaadir Aadan, Madaxa waaxda maaliyadda
- Ibraahim Faarax Cabdulle, Madaxa garsoorka maamulka
- Guurow Xaashi, talyaha Nabad sugidda
- C/kaafi Muuse Yuusuf, ku xigeenka dowladaha hoose
- Cabdi Cabdiraxmaan, ku xigeenka waaxda amniga iyo siyaasadda degmada
- Cali Maxamed Nuurre, ku xigeenka waaxda arrimaha bulshada
- Cabdirisaaq Diiriye ku xigeenka maaliyadda
- Sayid Maxamuud, ku xigeenka garsoorka
- Cabdiweli Xirsi, Taliyaha nabad sugidda ku xigeenkiisa
- Taliyaha Booliska magacaabistiisa dib ayaa loo dhigay, si looga tashto
Maamulkani waxaa lagu sheegay inuu yahay KMG, isla markaana ay shaqeyn doonaan 90 cisho ama seddex bil.