Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Dugsiga Tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye kaga qeyb galay shir ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo amniga waddooyinka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay saraakiisha Booliska sidii looga hortagi lahaa gaadiidka sumad la’aanta ah (taariko la’aanta) ee adeegsado waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona arrinkan laga soo saaray awaamiir cad oo tilmaamaysa in gabi ahaanba magaalada lagu dhex wadan karin gaadiidka aan taarikada lahayn.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka codsaday masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Dawlad dhexe in ay u hoggaan sanaadaan awaamirta wada jirka ah ee lagu hubinayo gaadiidka, taas oo lagaga hortagayo falalka amni darrada ah.

“Laamaha kala duwan ee Boolisku waxa ay ka shaqeeynayaan waa ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas darteed waxaa waajib ina ku ah in aan garab istaagno, una hoggaansanno soo joodeedintooda iyo awaamirtooda.”

Eng.Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Benaadir in ay dardar geliyaan wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee ay la leeyihiin laamaha ammaanka, taas oo kaalin muhiim ah ka qaadata dadaallada joogtada ah ee lagaga hortagayo falalka ay argagixisadu u maleegayaan shacabka.

Kulanka Waxaa Guddoomiyaha Gobolka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”.

Next Post

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Next Post
Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In