Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir oo codsaday In Lagu Soo Wareejiyo Amniga Caasimadda

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir oo codsaday In Lagu Soo Wareejiyo Amniga Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in ciidamada ammaanka ee gobolka Benaadir si toos ah loo hoos keeno maamulka gobolka si wax looga qabto ammaanka caasimadda.

Xeer lambar Laba ee soo baxay sanadkii 1963 ayaa amraya in hay’adaha amaniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka gobolka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026

Guddoomiye Thaabit oo munaasabadda 74guurada aasaaska ciidanka booliska ka hadlayay ayaa mar kale ku celiyay baahida loo qabo in maamulka gobolka Benaadir iyo ammaankiisa la is waafajiyo si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo dhanka ammaanka ah, loogana faa’ideysto heellanaanta Muqdishaawiyiinta ee la shaqeeynta ciidamada ammaanka.

“Waxaan daadejiinnay awoodda maamul ee dhammaan qeybaha gobolka Benaadir, taas waxaad ka arkeysaan horumarka aan dhan walba ka sameynay. Waxaan rumeysannahay haddii awoodda amniga sidaas oo kale loo daadejiyo in aan horumar la taaban karo ka sameyneyno waliba muddo kooban” ayuu yiri guddoomiye Thaabit.

Thaabit Cabdi ayaa dhowaan soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda” oo isku xiraya hay’adaha ammaanka iyo shacabka reer Muqdisho, kaas oo ka soo billaabanaya tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo kaas oo booliska iyo nabad sugidda u suurtagelinayo in ay xog ka helaan shacabka.

Maamulka gobolka ayaa xilligan u diyaar garoobay la wareegidda amaankiisa, si loo baajiyo falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka dhaca. “Ma aha in aan maalin walba daawnno dhibaatooyinka dadka reer Muqdisho ku dhaca oo cadowgu geeysanayo, waxaan la nimin qorshe cad oo isla xisaabtan leh oo aan ammaanka muwaadiniinta ku ilaalineyno, waxaan codsaneynaa in nalaku tix geliyo”. Ayuu Thaabit yiri.

Ciidamada booliska gobolka Benaadir iyo kuwa Nabad sugidda ayaa iminka hoos yimaada talisyadooda dhexe, taas oo meesha ka saartay xiriir, wada shaqeyn iyo isla xisaabtan dhex mara mas’uuliyiinta gobolka maamula.

SONNA

Previous Post

Wasiirka Dastuurka XFS oo garowe ka furaya shirkii madasha wasaaradaha dastuurka Heer Federaal iyo Dowlad goboleed

Next Post

Heshiis nabadeed oo laga gaarey colaadda ka taagan Suudaanta K/fureed

Next Post
Heshiis nabadeed oo laga gaarey colaadda ka taagan Suudaanta K/fureed

Heshiis nabadeed oo laga gaarey colaadda ka taagan Suudaanta K/fureed

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In