Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku nool Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 27, 2018
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku nool Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeq ka kooban gaarsiiyey qaar ka mid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ay ku nool yihiin Boqollaal ka mid ah Bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa ka mid ah xerooyinka ku yaalla Degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey baco ay uga gaashaantaan Roobabka iyo qabowga dhacaya, maaddaama lagu jiro xili roobaad.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay olole wax looga qabanayo xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, iyadoo qorshuhu yahay in gurmadka ka sakow la sameeyo dib-u-dajin iyo degaameyn.

Abaaraha soo noq-noqday ee ka jira degaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa sababay barakac baahsan, maaddaama in badan oo ka mid ah Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed iyo Beeralayba ay waayeen Duunyadii iyo dalaggii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Samafalayaal lagu afduubtay dalka Koofurta Sudan

Next Post
Samafalayaal lagu afduubtay dalka Koofurta Sudan

Samafalayaal lagu afduubtay dalka Koofurta Sudan

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In