Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha hoose oo lagu soo qabtay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, Maamulka Degmada Awdheeegle iyo Kan Gobalka inay kusoo qabteen Horjoogihii Al shabaab ee Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelle iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka.

“Howlgalo beryahaanba socday ayaa waxaa laga fulinaayay Degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ka mid tahay Degmada Awdheegle, waxaana iska kaashaday ciidanka Kumaandooska, Maamulka degmada Awdheegle iyo kan Gobalka Shabeelaha, waxaa u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo Amiirkii Maaliyada Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelada ee kooxda Al shabaab oo la yiraaahdo Sheekh Cabdi kariin Abuu Xamza iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka oo la yiraahdo Sheekh Muudeey oo lagu sheegay inuu kusoo tababartay Dhankaas iyo Beershiya”ayuu yiri

Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Mid ka mid Horjoogayaasha uu isku dayay inuu dagaal la galo ciidamada Kumaandooska xiligii lasoo qabanay, waxaana si awood leh gacanta ugu dhigay Ciidanka Dowlada, iyadoo la dilay Maleeshiyadii la socotay halka midka kalena uu sheegay in laga soo qabtay isagoo gurigiisa jiifa.

“Waxaa lagu qabtay Degmada Awdheegle, qaar si nabad ah dagaal la’aan ayaa lagu qabtay oo guryahooda ayaa loogu daatay, qaarna Maleeshiyaad iyo ciidan ayay wateen dagaal ayay isku dayeen waa laga awood roonaaday, Maleeshiyaadkoodana qaar way ka cararaeen qaarna howlgalka ayaa lagu dilay isku meel laguma soo qaban labadaan shaqsi midna waxaa lagu qabtay isagoo Saldhigiisa jooga halka mid kalena gurigiisa isagoo jiifa loogu galay lana soo qabtay”

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay maalmaha soo aadan ay bilaaban doonaan Howlgalo kale oo ciidamada Dowlada ay ka sameyn doonaan degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose.

Previous Post

Kumaandooska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed “Sawirro”

Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed “Sawirro”

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Sanad-guurrada 49-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn looga dabaaldegay magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaas oo ay...

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In