Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Machadka tababarada Maareynta Dhaqaalaha oo shiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Machadka tababarada Maareynta Dhaqaalaha oo shiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo uu wehliyo Garyaqaanka Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Muxiyadiin Xasan Maxamed iyo La-taliye sare Iimaan Nuur Iikar ayaa booqasho shaqo ku tagay Machadka Tababarada Maareynta Dhaqaalaha iyo Dowlad Wanaaga ee hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Machadka Mudane Cumar Jaamac, taasi oo loogu wada hadlay Wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Machadka, Horumarinta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha Dowladda Hoose, maadaama mar dhow Gobolka laga dhaqan galin doonno nidaamka PFM-System, Iyadoo khubarro dhinaca Maaliyadda ah ay ku howllan yihiin qiimeyn lagu qeexi doono kartida hey’adeed ee Gobolka Banaadir iyo ifinta caqabadaha gaabiska u keeni kara gudashada waajibaadka maaliyadeed.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Ugu danbeyntii Maamulka Gobolka Banaadir iyo Machadka Tababarada Maareynta Dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac, si la isaga kaashado qorshaha ku saleysan daah-furnaanta Maaliyadeed oo uu Maamulka Gobolka Banaadir doonayo in uu ugu shaqeeyo Bulshada Caasimadda.



Previous Post

Dowladda Shiinaha oo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ku wareejisay gargaar raashin

Next Post

Federal Government Of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Federal Government Of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government Of Somalia’s Weekly Briefing

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In