Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah-furay wajiga 3aad ee tartan aqooneedka Qur’aanka Kariimka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo daah-furay wajiga 3aad ee tartan aqooneedka Qur’aanka Kariimka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka iyo Maaliyadda iyo Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir ayaa daah-furay wejiga 3-aad ee Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartankaan oo wajigiisa 1-aad iyo 2-aad kasoo socday Dugsiyada iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa Wareegaan 3-aad oo socon doonna muddo 4 maalin ah waxa uu si isku mid ah ugu dhici doonnaa Afarta Qeyb ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Munaasabada ayaa waxaa uu balan qaadayin Guuleystaha Sanadkaan uu ku Abaal-marin doonno in laga shaqaaleysiin doonno Dowladda Hoose ee Xamar, Halka Waalidkiisa loo diri doonno Xajka Sanadkaan, Sidoo kalena mid ka mid ah Guddiga qabanaya Tartanka loo diri doonno Xajka.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen Qeybta Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir kana dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Xildhibaano ka tirsan BFS, Xubno ka Socday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Culuma’udiin, Agaasimeyaal, Waaxda Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Waalidiin iyo Ardeyda Tartamayaasha Qur’aanka Kariimka.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sanadkii 2016 Gobolka Banaadir ka bilaabay qabashada Tartankaan Qur’aanka Kariimka, Asigoona Bishan Barakeysan ee Ramadaan ka taaba-geliyay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir Tartamo kala gedisan oo isugu jira Cilmiga Maadiga iyo Diiniga. iyadoona ay tartamadaasi ka baxaan qeybaha kala gedisan ee Warbaahinta Gobolka Banaadir.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga gaarka ah oo u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha Rayidka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga Arrimaha Somaliland

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga Arrimaha Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga Arrimaha Somaliland

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In