Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta degmada Hodan +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta degmada Hodan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Hodan oo loo dhisayo qaab casri ah, taasoo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Sebtembar ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha degmada Hodane Cabdixakiin Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhismaha xarunta Degmada, isagoo ka sheekeeyey dhibaatadii dhacday bishii Sebtemar 2018, taasoo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka, Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Hodan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntii adeegga, waxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu awooddiisa galinayo in Hodan ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan dib-u-dhiska.

Guddoomiye Xuseen ayaa ka codsaday bulshada degmada Hodan in lala shaqeeyo maamulka iyo kan gobolka Banaadir, isla markaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

“Xarunta degmada Hodan ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankeena, waana in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dib-u-dhac lana doonaya, maamulka gobolka Banaadir na wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmadiina iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalinteedii”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In