Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta degmada Hodan +Sawirro

caqiil by caqiil
February 3, 2019
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta degmada Hodan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Hodan oo loo dhisayo qaab casri ah, taasoo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Sebtembar ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha degmada Hodane Cabdixakiin Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhismaha xarunta Degmada, isagoo ka sheekeeyey dhibaatadii dhacday bishii Sebtemar 2018, taasoo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka, Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Hodan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntii adeegga, waxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu awooddiisa galinayo in Hodan ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan dib-u-dhiska.

Guddoomiye Xuseen ayaa ka codsaday bulshada degmada Hodan in lala shaqeeyo maamulka iyo kan gobolka Banaadir, isla markaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

“Xarunta degmada Hodan ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankeena, waana in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dib-u-dhac lana doonaya, maamulka gobolka Banaadir na wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmadiina iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalinteedii”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In