Guddoomiye Ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyiglinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta olole nadaafadeed kala qeyb qaadatay ardayda dugsiyada degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Guddoomiye Basma ayaa Ku boorisey ardayda iyo dhallinta Muqdisho in ay laba laabaan dadaalkooda ku aadan in ay nadiifiyaan Magaaladooda.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waayadii danbe diirada saaraya dhismaha waddooyinka iyo billicda Caasimada.