Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulanka ayaa looga hadlay Dar-dargelinta howlaha shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, fulinta Qlqorshe howleedka, Isla xisaabtan ku aadan huf-naanto shaqo iyo adeegyada loo haayo Bulshada.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Fulinta Awaamiirta Duqa Magaalada ee ka dhanka ah goobaha lagu gado iyo goobaha lagu isticmaalo Maandooriyaha, isagoo faray Agaasinta Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir sare u-qaadidda Barnaamijyada wacyigelina ee Bulshada.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Guddiga Maareynta Mooto Bajaaj-ta, in la dar-dargeliyo diiwaangelinta iyo Midabeynta Bajaaj-yada magaalada Muqdisho.