Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Kooxda Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia+Sawiro

admin by admin
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Kooxda Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Related posts

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

“Waxay halkan u yimaadeen inay arkaan dalkooda kuna soo bandhigaan xirfadahooda dhinaca kubadda cagta, waana tallaabo aan boggaadinayno , waxaana qeyb ka ah samafalayaal Caafimaad oo mudada ay joogaan magaalada Muqdisho ka fulin doona gargaar Caafimaad”.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartoyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.

Previous Post

Qatar’s emir receives invite from Saudi king to attend Gulf Arab summit

Next Post

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Next Post
Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa "SAWIRRO"

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In