Kulan maanta ay yeesheen guddiga aminga maamulka Gobolka Hiiraan oo uu shir guddoominayay guddomiyaha gobolka Yuusuf Axmed Hagar ayaa looga hadlay howgallo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab.
Kulanka oo ay saxafada dibad jog ka ahaayeen ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxafadda lahadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusaf Axmed Hagar waxaana uu sheegay in ujeedka howgallada ay tahay in la sugo ammaanka, isla markaana maleeshiyada gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee UGUS, laga xoreeyo deeganada miyiga ah oo ay ku dhuumaleysanayaan.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa intaasi ku daray inay dareemayaan isbadal dhanka ammaanka oo ku yimadaa gobolka, maadaama howgallada ay ka socdaan miyaga.
Howlgalada ka bilowday nawaaxiga degmoyinka Gobolka Hiiraan ayaa ah mid lagu doonayo in guud ahaan gobolka laga saaro maleeshiyada Al-Shabaab oo mararka qaar dhibaatooyin u geysta dadka reer miyiga ah.