Guddoomiyaha Gobalka Hiiran Cali Jayte ayaa maanta kulan la qaatay Masโuulayiin ka kala socotay urur gobaleedka IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay dib u heshiinta labo beelood oo walalo ah oo dhawaanahan ku dagaalamayay degaannada Deefow iyo Kabxanleey oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo gudo geli lahaa dib u heshisiin iyo sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa si xal waara looga gaaro colaadda degaannadaas.
Dhinacayadii ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa maalmahan kulamo gaargaar ah oo gogol xaar ah la qaadanayey madax dhaqameedka, Culimada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo la iskula gorfeeyey hannaanka howsha loo dar-dargalin karo iyo in xal laga gaaro dagaaladan soo laab-laabtay oo cuuryaamiyay horumarka gobalka iyo bulshada.
Waxaa la qorsheynayaa in howsha la gudi gali doonno dhawaan si Labada dhinac la isugu keeno miiska wada hadalka iyo dhab u heshiisiinta, Barnaamijka Waxaa iska gaashsnayo Midowga Yurub, Urur gobaleedka IGAD iyo Dowladda Somaaliya.