Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada degmada Baxdo iyo Odayaasha dhaqanka ayaa deeq isugu jirta labo neel oo geel ah iyo raashiin ku wareejiyay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dib u xoreynta deegaanada Xiindheere, Garabla, Ceel-lahey, Ceelgaras iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo deeqdan wareejiyey ayaa xusay in ay markasta garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira howlgalada xoreynta deegaanada fara ku tiriska ee Khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Col. Cumar Cabdulle Jacfaan iyo xildhibaan Xasan keynaan Xalane oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyey ciidamada ay hoggaaminayaan ay u noqoneyso dhiiri-gelin baaxad leh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kamid ah xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa balan qaadey in ay hore u sii socon doonaan ayna ka go’antahay in aysan dib u laaban inta laga xoreynayo dhammaan deegaanadaasi.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee bariga Galgaduud oo diyaargarowgii ugu dambeeyay wada ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gacan geliyaan deegaanada Baaldheer iyo Xiindheere oo ay haatan kusii durkayaan.

Previous Post

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In