Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada degmada Baxdo iyo Odayaasha dhaqanka ayaa deeq isugu jirta labo neel oo geel ah iyo raashiin ku wareejiyay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dib u xoreynta deegaanada Xiindheere, Garabla, Ceel-lahey, Ceelgaras iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo deeqdan wareejiyey ayaa xusay in ay markasta garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira howlgalada xoreynta deegaanada fara ku tiriska ee Khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Col. Cumar Cabdulle Jacfaan iyo xildhibaan Xasan keynaan Xalane oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyey ciidamada ay hoggaaminayaan ay u noqoneyso dhiiri-gelin baaxad leh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kamid ah xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa balan qaadey in ay hore u sii socon doonaan ayna ka go’antahay in aysan dib u laaban inta laga xoreynayo dhammaan deegaanadaasi.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee bariga Galgaduud oo diyaargarowgii ugu dambeeyay wada ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gacan geliyaan deegaanada Baaldheer iyo Xiindheere oo ay haatan kusii durkayaan.

Previous Post

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In