Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jaamacadda Capital oo deeq dawo ah gaarsiiyey bukaanno ku jira cisbitaalka Carafaat “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Jaamacadda Capital ee magaalada Muqdisho  ayaa maanta deeq dawo ah oo isugu jirta faleebooyin iyo cirbado gaarsiiyay bukaano jiifa cisbitaalka Carafaat ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo lagu dabiibayo bukaanno uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Ardayda iyo maamulka Jaamacadda ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka koobanyahay cisbitaalka, kuwaasi oo qiimeyn ku sameynayay sida ay u kala daranyihiin bukaannada halkaasi ku jira.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026

Agaasimaha guud ee cisbitaalka Carafaat Dr Axmed Gacal Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bukaannada ku jira cisbitaalka ay xanuuno kala duwan qabaan, saacadihii la soo dhaafayna la soo gaarsiiyay bukaano hor leh oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo ka dhashay biyo ay cabeen bulshada degmada Yaaqshiid ku nool.

“Saaka marka laga reebo 189 bukaan oo qaba kiisas kala duwan qaba ayaa cisbitaalka la keenay labo ka mid ah waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay caafimaad qabaan, tan kale bukaanadaasi intooda badan waan ku guuleysanay xaaladooda caafimaadna waa ay ka soo raynayaan sidii hore” ayuu yiri Dr Axmed oo ardayda iyo Maamulka Jaamacadda Capital uga mahadceliyay gurmadka ay u fidiyeen bukaannada cisbitaalka ku jira.

Guddoomiyaha Jaamacadda Capital University Dr Cabduqaadir Wehliye Afrax ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo caawinta bukaannada ku jira cisbitaalada Muqdisho, isago Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo bukaannada ku jirta cisbitaalka Carafaat.

“Haddaan bahda Jaamacadda Capital intii awooddeyna ah in aan gacan ka geysano bukaanada la ildaran shuban biyoodka, in aan waalidkood kala qeyb galno murugada haysata, waxaan cisbitaalka keenay dawooyinka lagula tacaalo dadka fuuq baxa ku dhaca” ayuu yiri Dr Cabdiqaadir Wehliye oo ah hormuudka Jaamacadda.

Talaabadaan ay ardayda iyo Maamulka sare ee Jaamacadda Capital ugu gurmadeen bukaanada jiifa cisbitaalka carafaat ayaa ka dambeysay markii cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid, taasi oo shantii maalin ee la soo dhaafay galaaftay nolosha dad fara badan, halka ay ilaa iyo iminka ay jiraan bukaanno kale oo la ildaran cudurka, taasi oo ardayda iyo Maamulka Jaamacadda ku noqotay mid uur ku taallo ah, maadaama ay ka xanuunsadeen dhibta haysa qoysaska ay carruurtooda waxyeelada ka soo gaartay biyaha ay cabeen.

vlcsnap-2014-12-14-14h23m06s204 vlcsnap-2014-12-14-14h23m21s156 vlcsnap-2014-12-14-14h23m33s25 vlcsnap-2014-12-14-14h23m47s164 vlcsnap-2014-12-14-14h24m00s20 vlcsnap-2014-12-14-14h24m13s165 vlcsnap-2014-12-14-14h24m22s252 vlcsnap-2014-12-14-14h24m49s18 vlcsnap-2014-12-14-14h25m06s185 vlcsnap-2014-12-14-14h25m17s33 vlcsnap-2014-12-14-14h25m28s140 vlcsnap-2014-12-14-14h25m37s245 vlcsnap-2014-12-14-14h25m48s83 vlcsnap-2014-12-14-14h26m00s214 vlcsnap-2014-12-14-14h26m12s72 vlcsnap-2014-12-14-14h26m41s114 vlcsnap-2014-12-14-14h26m56s240 vlcsnap-2014-12-14-14h28m24s112

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo su’aallo weydiiyay Xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhawrka Qaranka

Next Post

Baarlamaanka oo su’aallo weydiiyay Xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhawrka Qaranka

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In