Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay in Garoonka Diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion, uu codsaday 600 oo shaqaale ah oo aan mushahar qaadanayn, iyadoo lasheegaya in hoos loo dhigay 75% musharaadka guud shaqaalaha Israa’iil, gaar ahaan kuwa Garoomada ka dibi dhaawac dhaqaale oo ka dhashay dagaalka ka socda Qaza.
Maamulka Garoomada Isra’iil ayaa wadahadalo la yeesheen shaqaalaha, kaasoo ay ku shaaciyeen go’aankooda ah in shaqaalaha ay ku sii shaqeyaan mushaar la’aan, arrinkaas oo ay ka biyo diideen inta badan howlwadeenada, taasi ayaana keentay in ay codsadaan shaqaala mutadawaciin ah.
Tirada shaqaalaha Garoomada Diyaaradaha Isra’iil ayaa gaarayay 4,600 oo shaqaale ah, balse markii uu soo baxeen go’aannadan waxaa shaqada ku soo haray 3,000 oo shaqaala ah.
Safarda caalamiga ah ee Isra’iil ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda marinka Qaza, halkaasi oo ciidamada Israa’iil ay ka wadaan duqeymo isdaba joog ah oo sababtay dhimashada dad ka badan 19,000 oo falastiiniyiin ah, halka 52,000 kalena ay ku dhaawacmeen.