Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.

Related posts

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta nabadda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda furitaanka ku soo hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24 sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Maamulka Madaarrada Israa’iil oo codsaday shaqaale mutadawaciin ah

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In