Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo Ciidamada Qalabka sida ku wareejiyay deeq Xoola ah

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo Ciidamada Qalabka sida ku wareejiyay deeq Xoola ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku wareejiyay deeq xoola nool ah Ciidamada Qalabka sida ee Howlgalada kawada Deegaanada hoos taga Magaalada Dhuusamareeb kuwaa oo guulo kasoo hooyay dagaal ay la galeen maleeshiyaadka Al-shabaab, maalinnimadii Shalay.

Deeqdan oo ka koobneyd lix neef oo Geel ah iyo Agab kale ayay Maamulka Dhuusamareeb ku wareejiyeen saraakiisha ku sugan aaga hore ee dagaalka, kuwaa oo tilmaamay in garabsiinta shacabka iyo maamulka u tahay mid kusii dhiirin doonta dhaqaaqa amni ee ay Ciidamada sameeyeen iyo guulaha ay kasoo hooyeen goobahii ay kula dagalameen Argagaxisad.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow, oo ka hadlay wareejinta taakuladan ayaa tilmaamay in tilaabadani ay bilaaw u tahay kaalmo si joogta ah ay Ciidamada kaga heli doonaan shacabka si loo sii dhaqaajiyo howlgalada lagu xoreynayo deegaanada ay Argagaxisada kaga suganyahiin gobolka Galgaduud .

Gaashaanle Cismaan Cali Xaashi “dhabayaco” Taliyaha Ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad iyo taliyaha Ciidanka Nabadsugida Dhuusamareeb, Maxamed Shidane Afrax oo taakuladan u guddoomay Ciidamada qalabka sida ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee shacabka iyo maamulka Dhuusamareeb ay u garab taaganyahiin Ciidamada kujira furimaha hore ee dagaalka.

Ciidamada xoogga Dalka oo howlgal joogto ah ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dagaaladii ay dhawaan la galeen Argagixisada.

Previous Post

Jabhadda TPLF oo shuruudo ku xirtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Dowladda Itoobiya

Next Post

Guddiga Maamulaya Doorashada Koonfur Galbeed oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Maamulaya Doorashada Koonfur Galbeed oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”

Guddiga Maamulaya Doorashada Koonfur Galbeed oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen "SAWIRRO"

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In