Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwweynaha Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobalada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.

Deegaano katirsan Gobalada Bari iyo Gardafuu ayuu madaxweynuhu sheegay in duufaantaasi khashaaro u geysatay , waxaana dumay guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi , halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

‘’ Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

Wadooyinka Go’ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii  madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

‘’ Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah ‘’ Ayuu yiri  Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Dr Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Dawladda Puntland dhankeeda qaadanayso waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeyta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .

-DHAMMAAD-

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Next Post
Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden "Sawirro"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In