Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Sh/hoose oo faahfaahiyey la wareegidii deegaanka Bariire

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
May 1, 2019
in Wararka
0
Sidee Gobolka Shabeellaha Hoose uga socda howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab?+(Dhageyso)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa saakay maleeshiyaadka kooxda argagaxixisada Al Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib weerar qorsheysan oo halkaasi ka dhacay.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab ayaa isaga cararay deegaanka Bariirre oo mudooyinkan ay ku dhibaateeynayeen shacabka Soomaaliyeed isla markaana howlgalkaan uu u dhacay sida loo qorsheeyay sida uu Radio Muqdisho u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ciidanka Danab ayaa markii ay la wareegeen deegaanka Bariirre kadib waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgalo ay ku baacsanayaan firxadka kooxda argagaxisada ah Al Shabaab si ay uga cirib tiraan haraadiga kooxdaasi iyo sidoo kale howlgalo lagu baarayo Wadooyinka deegaanka Bariirre si looga hortago miinooyinka ay ku aaseen Wadooyinka loo soo saaro.

Maamulka Gobolka hoose ayaa sheegay in deegaanka Bariirre ay dhawaan geynayaan maamul iyo nidaamka Dowladnimo si loogu adeeego shacabka Soomaaliyeed ee deegaankaasi ku nool iyo sido kale in  halkaasi la geyn doono gurmad dag dag ah inta aan la gaarin bisha barakeysan ee ramadaan oo maalmo ay naga xigaan.

Gudoomiye Najax ayaa Radio Muqdisho u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in ciidamada dowlada ay deegaanada kale ee Gobolka ka  saari doonaan haraadiga kooxda Shabaab.

Ciidamada xooga dalka ayaa baacsanaya Shabaabka ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose.

Previous Post

Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1da May

Next Post

Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Munaasabad looga hadlayay Waxqabadka Ciidanka Xasilinta Booliiska Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In