Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ay ka qeybgaleen 32 degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobollada dalkeenna ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo munaasabadda hadalo ka jeediyay ayaa bogaadiyay sida wanaagsaneyd ee uu tartanku ku soo idlaaday iyo sida ka qeybgalayaasha ay tartanka ugu soo bandhigeen aqoon iyo asluub wanaag intii uu tartanku socday.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Shanย iyoย tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, ayaa waxaa si wadajir ah u taaba-geliyayย Bankiga IBSย iyo Maamulkaย Gobolka Banaadir.
Hadaba abaal marinada lacageed ayaa waxa ay u kala heleen sida tan:-
1. Tartameyaasha degmadaย Makaย ee Gobolkaย Shabeelaha Hoose, oo ku guuleystay tartankii dhamaaday ee sanadkan ayaa waxaa la guddoonsiiyay labo kun oo dollar.
2. Tartamayaasha Degmadaย Boondheereย ee Gobolka Banaadir, oo galay kaalinta 2aad ee tartanka ayaa helay kun iyo shan boqol oo dollar.
3. Halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhankooda la guddoonsiiyay kun dollar.











