Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka xarunta xanaanada agoonta Jambaluul oo ka warbixiyay xaaladda xarunta (Video+Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamulka xarunta xanaanada agoonta Jambaluul oo ka warbixiyay xaaladda xarunta (Video+Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Hey’adda Shabeelle Foundation iyo Wazda ayaa booqday xarunta xanaanada caruurta agoonta ee deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedada kormeerka mas’uuliyiinta hey’adda Shabeelle Faoundation iyo Wazda ayaa ahaa u kuurgelidda xaaladda nololeed iyo tan waxbarasho ee caruurta ku jirta xarunta xanaanada agoonta ee Jambaluul.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Maamulaha xarunta xanaanada agoonta ee Jambabaluul ayaa warbixin ka siiyay mas’uuliyiinta hey’adda, xaalada waxbarasho ee caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi.

Wuxuu tilmaamay in xarunta ay iminka ku jiraan 556 caruur agoon ah,  kuwaas oo isugu jira gabdho iyo wiilal, wuxuuna intaasi raaciyay in xaruntu ay bixiso waxbarasho isugu jirta Diini, maaddi iyo tarbiyo, isagoo dhinaca kale xusay in xarunta ay ka howlgalaan 13 macalimiin ah oo aqoon durugsan u leh barbaarinta caruurta.

Xiriiriyaha guud ee hey’adda Shabeelle Foundation Mustaf Guure oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hey’addu ay gacanta ku heyso xaruntaasi islamarkaana ay bixiso dhaqaalaha ku baxa waxbaridda iyo barbaarinta caruurta ku jirta xarunta Jambaluul.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyay in hey’addu sidoo kale ay ka shaqeyso Beeraha, Caafimaadka, iyo waxbarashada Shabeelaha hoose.

Xiriiriyaha hey’adda Shabeelle Foundation ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay iney sii kordhin doonaan taakuleynta xarunta xanaanada agoonta ee Jambaluul.

Sidoo kale xiriirayaha hey’adda Shabeelle ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney taageero dhaqaale  la soo gaaraan xarunta xanaanada caruurta agoonta ah ee Jambaluul.

Dhinaca kale madaxa hey’adda Wazda marwo Siraad Maxamed Jimcaale oo munaasabadda ka hadashay ayaa uga mahadcelisay he’adda Shabeelle Foundation mas’uuliyadda ay iska saartay xanaaneeyna caruurta ku jirta xarunta agoonta ee Jambaluul.

Waxey tilmaantay in  ururkeeda isu tagga haweenka uu wax u qaban doono haweenka iyo caruurta.

Xarunta aqoonta Jambaluul oo la aas’aasay 7-06-2013 ayaa waxaa mudadaasi taakuleynayay hey’adda Shabeelle Foundation oo ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

vlcsnap-2015-02-15-16h56m00s248 vlcsnap-2015-02-15-16h56m15s151 vlcsnap-2015-02-15-16h56m26s250 vlcsnap-2015-02-15-16h56m37s104 vlcsnap-2015-02-15-16h56m50s242 vlcsnap-2015-02-15-16h57m13s223 vlcsnap-2015-02-15-16h57m30s119 vlcsnap-2015-02-15-16h58m35s252 vlcsnap-2015-02-15-16h58m47s127 vlcsnap-2015-02-15-16h59m23s232 vlcsnap-2015-02-15-16h59m44s175 vlcsnap-2015-02-15-17h00m28s119 vlcsnap-2015-02-15-17h00m39s232 vlcsnap-2015-02-15-17h00m51s89 vlcsnap-2015-02-15-17h01m13s54 vlcsnap-2015-02-15-17h03m49s69 vlcsnap-2015-02-15-17h04m14s70 vlcsnap-2015-02-15-17h04m23s165

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In