Sunday, September 24, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka xarunta xanaanada agoonta Jambaluul oo ka warbixiyay xaaladda xarunta (Video+Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 15, 2015
in Wararka
0
Maamulka xarunta xanaanada agoonta Jambaluul oo ka warbixiyay xaaladda xarunta (Video+Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Hey’adda Shabeelle Foundation iyo Wazda ayaa booqday xarunta xanaanada caruurta agoonta ee deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedada kormeerka mas’uuliyiinta hey’adda Shabeelle Faoundation iyo Wazda ayaa ahaa u kuurgelidda xaaladda nololeed iyo tan waxbarasho ee caruurta ku jirta xarunta xanaanada agoonta ee Jambaluul.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023

Maamulaha xarunta xanaanada agoonta ee Jambabaluul ayaa warbixin ka siiyay mas’uuliyiinta hey’adda, xaalada waxbarasho ee caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi.

Wuxuu tilmaamay in xarunta ay iminka ku jiraan 556 caruur agoon ah,  kuwaas oo isugu jira gabdho iyo wiilal, wuxuuna intaasi raaciyay in xaruntu ay bixiso waxbarasho isugu jirta Diini, maaddi iyo tarbiyo, isagoo dhinaca kale xusay in xarunta ay ka howlgalaan 13 macalimiin ah oo aqoon durugsan u leh barbaarinta caruurta.

Xiriiriyaha guud ee hey’adda Shabeelle Foundation Mustaf Guure oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hey’addu ay gacanta ku heyso xaruntaasi islamarkaana ay bixiso dhaqaalaha ku baxa waxbaridda iyo barbaarinta caruurta ku jirta xarunta Jambaluul.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyay in hey’addu sidoo kale ay ka shaqeyso Beeraha, Caafimaadka, iyo waxbarashada Shabeelaha hoose.

Xiriiriyaha hey’adda Shabeelle Foundation ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay iney sii kordhin doonaan taakuleynta xarunta xanaanada agoonta ee Jambaluul.

Sidoo kale xiriirayaha hey’adda Shabeelle ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney taageero dhaqaale  la soo gaaraan xarunta xanaanada caruurta agoonta ah ee Jambaluul.

Dhinaca kale madaxa hey’adda Wazda marwo Siraad Maxamed Jimcaale oo munaasabadda ka hadashay ayaa uga mahadcelisay he’adda Shabeelle Foundation mas’uuliyadda ay iska saartay xanaaneeyna caruurta ku jirta xarunta agoonta ee Jambaluul.

Waxey tilmaantay in  ururkeeda isu tagga haweenka uu wax u qaban doono haweenka iyo caruurta.

Xarunta aqoonta Jambaluul oo la aas’aasay 7-06-2013 ayaa waxaa mudadaasi taakuleynayay hey’adda Shabeelle Foundation oo ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

vlcsnap-2015-02-15-16h56m00s248 vlcsnap-2015-02-15-16h56m15s151 vlcsnap-2015-02-15-16h56m26s250 vlcsnap-2015-02-15-16h56m37s104 vlcsnap-2015-02-15-16h56m50s242 vlcsnap-2015-02-15-16h57m13s223 vlcsnap-2015-02-15-16h57m30s119 vlcsnap-2015-02-15-16h58m35s252 vlcsnap-2015-02-15-16h58m47s127 vlcsnap-2015-02-15-16h59m23s232 vlcsnap-2015-02-15-16h59m44s175 vlcsnap-2015-02-15-17h00m28s119 vlcsnap-2015-02-15-17h00m39s232 vlcsnap-2015-02-15-17h00m51s89 vlcsnap-2015-02-15-17h01m13s54 vlcsnap-2015-02-15-17h03m49s69 vlcsnap-2015-02-15-17h04m14s70 vlcsnap-2015-02-15-17h04m23s165

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo saxiixay buugga tacsida "SAWIRRO"

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023
0

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga,...

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

September 24, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa soo xiray shir uu soo agaasimay Gobolka Banaadir...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

September 24, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden, ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In