Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maanta oo kale waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee qoxootiga adduunka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Maanta oo kale waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee qoxootiga adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaana meelaha laga xusay kamid ah Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Jubaland.

Maalinkan oo loo aqoonsaday maalin  la muujiyo dhibaatooyinka iyo xasaradaha muwaadiniinta ku qasbay inay dalalkooda ka haajiraan iyadoo la isku  baraarujiyo ahmiyada ay leedahay in dhibaatooyinka gudaha dalalka ka jira wax laga qabto si loo yareeyo dadka dalalkooda ka barakacaya.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

“ Waxay maanta oo kale Ina tusaysaaa fursad weyn oo aan ku xalin karo dhibaatooyinka dalkeena ka jira si aan usoo ceshano boqolaalka kun ee qoxootiga ku ah dallka aan dariska nahay ee Kenya iyo adduunka intiisa kale” ayuu yiri Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dadka ku jira xeyaha qoxootiga dhadhaab waxaa qeyb ahaan ay kasoo jeedaan deeganada Jubaland, iyagoo ka cararay colaadahii iyo rabshadahii ka jiray deegaanadan taas oo ku qasabtay inay guryahooda ka hayaaman.

Waxaa Madaxweynaha uu intaas ku daray in Boqolaal qoys sanadahii lasoo dhaafay dalka dib ay ugu soo  noqdeen gaar ahaan deegaanada Jubaland kuwaas oo nolol cusub dib uga bilaabay dalkooda hooyo.

“ Waxaan ka shaqaynaynaa sidii fursadaha jira looga faa’iidayn lahaa dhalinyarada kasoo laabanaysa xeryaha qoxootiga kuwaas oo khibrad iyo aqoonba soo kororsaday mudadii ay ku noolaayeen xeryaha qoxootiga” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dowlada Jubaland waxaa ka go’an in dadka doonaya inay si iskood ah dalkooda ugu soo noqdaan sidii dib u dajin loogu samayn lahaa isla markana looga caawin lahaa inay la qabsadaan nolosha dalkooda anaga oo kaashanayna Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR iyo dhinacyada kale ee ku shaqada leh.

.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo bulshada Waajid ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan “SAWIRRO “

Next Post

Xulka Soomaaliya oo caawa laga badiyay

Next Post
Xulka Soomaaliya oo caawa laga badiyay

Xulka Soomaaliya oo caawa laga badiyay

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In