Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maanta oo ku beegan maaalinta Macallinka Soomaaliyeedย 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Maanta oo ku beegan maaalinta Macallinka Soomaaliyeedย 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanad guuradii 50-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kastaย looga dabaal dago.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa ayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu weyneynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta weyn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qurโ€™aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,ย  ย ย (ย ุฃูŽย ย  ุฅูย  ุฃูŒย ),ย  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Maxโ€™uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi, wuxuu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Maxโ€™uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeystay, iyagoo ku shaqeeyay xaaladihii adkaa ee la soo maray ,gaar ahaan xilligii dowlad laโ€™aanta. Haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu uย  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed.Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayda wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska cilmiga, taasina waxaad ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaaย (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyaha mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa. Waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo tiirdhexaadka bulshada,iyadoo diinta islaamkuna ay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Abuukar Gobdoon

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah

Next Post

Golaha Wasiirradda oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha guud ee hayโ€™adda Istaatistikada

Next Post
Golaha Wasiirradda oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha guud ee hayโ€™adda Istaatistikada

Golaha Wasiirradda oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha guud ee hayโ€™adda Istaatistikada

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga โ€œBaadigoobkii Nabadda Geeska Afrikaโ€,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

February 12, 2026
0

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray Magaaladda Nairobi Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In