Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Afrika, Ciyaaraha, Wararka
0
Macalinkii hore ee Arsenal oo booqasho ku jooga dalka Liberia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalinkii  hore ee Kooxda Arsenal Arsene Wenger oo booqasho ku tagay dalka Liberia ayaa waxaa uu soo dhaweyn wanaagsan ka helay qaar ka mid ah shacabka ku nool dalkaasi iyo tageerayaasha Kooxda Arsenal ee dalkaasi Liberia kadib markii uu Casuumad ka helay George Weah Madaxweynaha dalkaasi Liberia oo ahaa Ciyaryahan Ciyaara Kubada Cagta oo Wenger uu geeyay qarada Yurub markisii ugu horeyay kaasi oo magaca uu leeyahay hada ka Sameeyay Dunida oo dhan.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

George Weah waxaa uu noqday Ciyaryahanka kaliya ee ka soo jeeda qarada afrika oo ku guuleystay Laacibka Aduunka Sanadkii 1995-kii ayadoo Macalin Wenger uu ka soo iibiyay George Weah Koox ka dhisan gudaha dalka Cameroone Sanadkii 1988-kii xiligaasi oo Macalin Wenger uu Maamulayay Kooxda As Monoco oo ka dhisan dalka Faransiiska.

Macalin Arsene Wenger oo Si heer Sare ah loogu Soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Harbel oo 52km iyo (32 miles) u jira Casimada dalkaasi Liberia Monrovia ayaa waxaa ka mid ahaa Masuuliyiinta soo dhaweysay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka Liberia Zoegar Wilson iyo Xubno kale oo ka socday Xirirka Kubada Cagta ee dalkaasi Liberia waxaana dabadeed loo kaxeeyay Casimada dalkaasi  Monrovia halkaasi oo Macalin Wenger lagu gudoonsiin doono Bilad Sharafeedka  Shaqsiga Sanadka oo Sanad Walba uu bixiyo Madaxweynaha dalka Liberia.

Arsene Wenger oo la hadlay saxafada ayaa u sheegay in uu u yimid George Weah kana Warqabin in la siin doono wax bilad ah.

Macalin Wenger ayaa horey u qirtay in uu xiiseynayo la kulanka Weah mar uu Bbc-da u waramay.

“Waxaan xusuusta markii iigu horeysay ee ku arko kooxda Monoco waxaa uu ahaa mid aad u yar, Ma Jirin cid taqaana ama qiimeyn u haysa ama u maleysay in uu noqon doono Ciyaryahanka ugu wanaagsan dunida, ama uu madaxweyne ka noqon doono dalkiisa,” ayuu yiri Macalin Wenger.

Waxaa uu sii raaciyay. “Nolosha George dhabtii waa Filim. Mid aanan la rumeysan Karin, Waxaa laga sameyn karaa Filim aanan Caadi ahayn.”

Booqashada Macalin Arsene Wenger ee dalka Liberia waxay ahayd mid aysan ku farxin Cid kasta.

Dadka u dhashay dalka Liberia  ayaa qaarkood aaminsan Bilad sharafta la sheegay in Wenger la siin doono in ay ka Mudan yahiin Macalin Wenger, Macalimiintii Soo tababartay George Weah inta aysan qaban indhaha Caalamka Sidaasi waxaa Yiri qaar ka mid ah dhageystayaasha  Idaacada dalkaasi Liberia Barnamijka Subaxii soo gala ee  50-50 qeybahiisa danbe ee  qadka telefanka.

Eugene Nagbe Wasiirka Warfaafinta dalkaasi Liberia oo la hadlayay Bbc-da ayaa sidoo kale sheegay in Bilad Sharafta aanan lagu bixin doonin xirrika ka dhexeeya Weah iyo Wenger balse ay tahay mid laga soo fiirsaday, taasi oo ah in Wenger uu fursado badan siiyay Ciyaartoyda ka Soo baxday qarada afrika.

Macalin Arsene Wenger ayaa Soo tababaray 16 Ciyaryahan oo caan ka ah qarada afrika kuwaasi oo qaarkood uu siiyay fursadihii ugu horeyay oo ay garoon ku galeen.

Ciyaartoyda uu fursadaha siiyay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka uu haatan Joogo ee Liberia George Weah kaasi oo uu ka iibsaday Koox ka dhisan dalka Cameroone dabadeedna uu geeyay dalka Faransiiska iyo Kooxda Monoco oo ka dhisan horyaalka dalkaasi, Maamlmo yar kadibna waxaa uu siiyay Wenger Weah fursadii ugu horeysay ee uu garoon ku galo halkaasi oo ay ka soo bilaabatay Sumcadii uu kaga tagay kubada cagta waxaana uu ka gaaray Weah kubada cagta halka ugu sareyso ee uu ka gaaro Ciyaryahan ka soo jeeda qarada afrika ayadoo uu noqday Ciyaryahankii ugu horeyay ee ku guuleysta abaal marinta Laacibka ugu wanaagsan Dunida Sanadkii 1995-kii xiligaasi oo uu ku sugnaa Kooxda Ac Milan oo ka dhisan dalka Talyaaniga.

Wenger Ciyaartoyda uu soo tababaray ee ka soo jeedo qaarada afrika waxaa ka mid ah Difaaci dalka Ivory Coast  Kolo Toure, Difaaci dalka Cameroon Lauren iyo Mucjisadii daka Nigeria Nwankwo Kanu dhamaantood waxaa ay u wada Ciyaaren kooxda Arsenal oo tageerayasheeda ay ugu badnayeen dadkii ku soo dhaweeyay gudaha dalkaasi Liberia oo haatan uu booqasho ku Joogo Macalin Arsene Wenger.

 

 

Previous Post

Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

Next Post

Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

Next Post
Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In