Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamse Aadan Xaadoow ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha Ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Sudan oo uu hoggaaminayo wakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan Daf Calah Xaji Cali, iyagoo kulan la qaadan doono madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xaaladda Sudan,ayaa isbedeshay markii ay xiisado dagaalo hubeysan ay ka qarxeen15-kii bishii April ee sanadkani kuwaasi oo u dhaxeeya Dowladda Militariga iyo kooxda RSF.
Dowladda Soomaliya ayaa bilowday daddaalo lagu soo samata bixinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.