Monday, March 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxa Hay’adda UNHCR Antonio Guters oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxa Hay’adda UNHCR Antonio Guters oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guters oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi bari ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku jiraan Qaxooti u badan Soomaali.

Antonio Guters iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa ujeedka socdaaalkooda la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda nololeed ee dadka ku nool xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo sida ay u socdaan hawlaha samafalka.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Mas’uuliyiinta ayaa la kulmay madaxda hay’adaha samafalka ee ka hawlgala xeryaha iyo horjoogeyaasha dadka ku nool xeryahaasi, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda dadka ku nool xeryaha.

Wasiiru-dowladaha arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabrashiid Maxamed Xidig oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in dowladda ay xoogga saari doonto sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Antonio Guters ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa Dhadhaab ku wehelinayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah xeryaha qaxooti ee ugu weyn dunida ayaa waxaa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad Nus-malyuun qof oo u badan Soomaali.

DSC07334 DSC07340 DSC07345 DSC07347 DSC07350

Axmed-nuur Dhadhaab Kenya 

Previous Post

Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”

Next Post

Gaalkacyo: Baaq loo jeediyay dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalka

Next Post
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo: Baaq loo jeediyay dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In