Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay xoojinta iyo taageerada hawlgalka AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
Madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay xoojinta iyo taageerada hawlgalka AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Djibouti ka soo saarey war murtiyeed ay ku caddeeyeen baahida loo qabo xoojinta, tayeynta iyo ka guul gaarista hawlgalka AMISOM ee xasilinta Soomaaliya iyo burburinta kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

Shirkan oo ay martigelisey Djibouti, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn iyo wakiilo ka kala socday Uganda, Burundi, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midway iyo diblomaasiyiin kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in hawlgalka AMISOM uu guulo badan soo hoyey, balse haatan loo baahan yahay in la tayeeyo , sarena loo qaado waxqabadkooda si guul kama dambeys ah looga gaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, nabad buuxdana loogu soo dabaalo dalka iyo gobolka Geeska Afrika.

“Soomaaliya horumar la taaban karo ayay sameysey, waxaana taa abaalkeeda leh dalalka maanta halkan fadhiya oo go’aansadey inay wiilashooda iyo gabdhahooda inoo soo diraan, kuwaas oo naftooda u huraan nabad ka aslaaxinta Soomaaliya. Waxaa Soomaaliya 9-kii sanno ee AMISOM ay dalka joogtay la gaarey guulo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay qorshaha sannadkan la doonayo in muddo 47 sanno kadib doorashooyin ay waddankeena ka dhacaan’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo xajiyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in hawlgal milateri oo si wanaagsan la isugu soo dubbariday lagu qaado kooxaha argagixisada.

“Al Shabaab waxay doonayaan inay shacabka niyadda ka jebiyaan, isla markaana ay carqaladeeyaan hadafka aanu leenahay sannadkan 2016-ka. Waxaa naga go’an inaan meesha ka saarno argagixisada. Iminka oo aan idin la hadlayo ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM waxay u dhaqaaqeen goobaha ay ku dhuumaleysanayaan Al Shabaab, waxaana hubaal ah in dhowaan la soo afjari doono weerarada ay wadaan kooxda naf la caariga ah ee dhiigga shacabka baneystey’’.

Madaxweynaha ayaa madaxda shirka ka qeybgashey u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin wadashaqeyn iyo xiriir hufan oo dhex mara taliska dhexe ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya, in la xoojiyo taageerada la siinayo barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya oo iyagu aakhirka hawsha kala wareegi doona AMISOM, xoojinta sirdoonka, tababarka ciidammada iyo in weerarada la qaadayo ay noqdaan kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyada muhiimka ah ee cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna kulankaasi ka hadley ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay mid lagu taageerayo dadaalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa ay ugu jiraan xasilinta dalka, isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqey muhimadda ay leedahay barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Ismail, Chergui, oo ah Madaxa Guddiga Midowga Afrika ugu qaabilsan amniga iyo nabadgelyada ayaa sheegay in la xoojinayo awoodda ciidammada AMISOM dhan kasta, la iskuna afgartey in tas-hiilaad badan oo soo dedejin kara guulaha ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya la bixiyo.

Waxaa kale oo uu Mr Chergui sheegay in ciidammada AMISOM ee jooga Soomaaliya mar walba la xusuusinayo, loogana fadhiyo inay dhowraan xuquuqda aadanaha, difaaca shacabka iyo inay ka fogaadaan in la waxyeeleeyo dad shacab ah inta ay socdaan hawlgalada Al Shabaab looga soo horjeedo iyo kuwa dalka lagu aslaaxinayo intaba.

Madaxdii kale ee ka soo qeybgashey shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ka jira, isla markaana beesha caalamka ugu baaqey inay sii wadaan taageerada lagu xajinayo nabadda Soomaaliya.

1 2 3

Previous Post

Aqoon wadaag ku saabsan tayaynta adeegsiga Af Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Qasaaraha ka dhashay qaraxii Baydhabo oo sii korortay

Next Post

Qasaaraha ka dhashay qaraxii Baydhabo oo sii korortay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In