Wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax ayaa waxa kulan ay la qaateen madaxda ugu sareysa dalka oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.
kulanka markii uu soo gabagaboobay kaddib ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in muqdisho ay soo booqdaan wafdigani ka tirsan jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah wadamada Carabta uu ku amaanay sida safaaradahooda ay ugu shaqeeyaan dalka islamarkaana ay u dagan yihiin xaafadaha Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in kulankooda uu qeyb ka ahaa wada shaqeynta Soomaaliya iyo dowladaha carabta sanadka cusubna la qaban doono shir jaamacadda Carabta ay u qabaneyso Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ku saabsan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt sheekh sabaax khaalid xaamid al sabaax oo isna dhankiisa ka hadlay kulankii maanta ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in muqdisho ay soo booqdaan ayna diyaar u yihiin caawimaada dadka iyo dalka.
Wafdigan ayaa ka soo kicitimay magaalada Khartuum ee dalka Suudan, waxaana hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Kuwait ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maurintania Ahmad Ould Tegeude iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al-Carabi.
Dowladda Kuweyt ayaa sanadkan heysa hoggaanka ururka jaamacadda carabta oo dalkeenu ka mid yahay.
Sawir Qaade: Ilyaas Jamaal