Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Dalka Iyo Wafdiga Jaamacadda  Carabta Ee Soo Gaaray Muqdisho Oo Kulan Wada Qaatay (DAAWO SAWIRRO)

December 4, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax ayaa waxa kulan ay la qaateen madaxda ugu sareysa dalka oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.

kulanka markii uu soo gabagaboobay kaddib ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in muqdisho ay soo booqdaan wafdigani ka tirsan jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah wadamada Carabta uu ku amaanay sida safaaradahooda ay ugu shaqeeyaan dalka islamarkaana ay u dagan yihiin xaafadaha Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in kulankooda uu qeyb ka ahaa wada shaqeynta Soomaaliya iyo dowladaha carabta  sanadka cusubna la qaban doono shir jaamacadda Carabta ay u qabaneyso Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ku saabsan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt sheekh sabaax khaalid xaamid al sabaax oo isna dhankiisa ka hadlay kulankii maanta ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in muqdisho ay soo booqdaan ayna diyaar u yihiin caawimaada dadka iyo dalka.

Wafdigan ayaa ka soo kicitimay magaalada Khartuum ee dalka Suudan, waxaana hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Kuwait ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maurintania Ahmad Ould Tegeude iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al-Carabi.

Dowladda Kuweyt ayaa sanadkan heysa hoggaanka ururka jaamacadda carabta oo dalkeenu ka mid yahay.

IB0A0447 IB0A0522

IB0A0444 IB0A0453 IB0A0460 IB0A0508 IB0A0514 IB0A0628 IB0A0647 IB0A0726 IB0A0729 IB0A0741 IB0A0762 IB0A0770 IB0A0781 IB0A0783 IB0A0786 IB0A0847 IB0A0853

IB0A0853

Sawir Qaade: Ilyaas Jamaal 

Previous Post

Madaxweynaha iyo Ra,iisul Wasaaraha oo kulan la leh Wafdigii Jaamacada Carabta Ee Muqdisho soo gaaray

Next Post

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya mooshin kalsooni kala noqoshada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa

Next Post

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya mooshin kalsooni kala noqoshada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In